Xiddiga Chelsea Iyo Man City Ku Tartamayaan, Liverpool Oo Saxeexeedii Cusbaa Durba Caydhinaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

0

Manchester United ayaa doonaysa inay goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak ku bedesho midkeeda haatan ee David de Gea. (Jeunes Footuex – in French)

Manchester City ayaa Chelsea kula biiraysa tartanka garabka AC Milan ee Rafael Leao. (Calciomercato – in Italian)

Chelsea ayaa dalab afka ah xagaagii kasoo gudbisay Leao sida uu sheegayo agaasimaha Milan ee Paolo Maldini. (Sky Sports via SempreMilan.it – in Italian)

AC Milan ayaa raadinaysa durba bedelka Divock Origi walow uu xagaagii uun qaab bilaash ah ugaga soo biiray Liverpool. (Calciomercato – in Italian)

Newcastle ayaa kala heshiisay kooxda Central Coast Mariners 18 sano jirka weeraryaanka asal ahaan Masar kasoo jeeda ee Garang Kuol. (BeIn Sports)

Ole Gunnar Solskjaer ayaa Man United kula taliyay saxeexa Erling Haaland balse kooxda ayaan u dhaqaaqin weeraryahanka haatan ee Man City. (Athletic – subscription required)

James Rodriguez ayaa dhammaystiray tijaabada caafimaadka ee heshiiska uu ugu biirayo Olympiakos. (Fabrizio Romano)

Liverpool ayaan ka warwareegi doonin inay kansasho heshiiska amaahda ah ee Arthur Melo haddii ay saxeex khad dhexe ka hesho suuqa January. (Tuttomercato – in Italian)

Brighton ayaa tababaraha kooxda Mainz ee Bo Svensson u dooratay bedelka Graham Potter. (Athletic – subscription required)

Chelsea ayaa koox Portuguese ah wadahadalo kula jirta maadaama mulkiile Todd Boehly uu doonayo inuu kooxo dhawr ah wada yeesho. (Telegraph – subscription required)

Chelsea ayaa ku jirta wadahadalo ay ku magacaabayso agaasimaha ciyaaraha RB Salzburg ee Christoph Freund. (Star)

SHARE

LEAVE A REPLY