Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay Laasxaanood

0

Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa Maanta deeq gargaar ah oo isugu jirta raashiin iyo daawooyin u dirtay dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Gargaarka raashiinka ah ayaa isugu jira noocyada kala duwan ee raashinka, kuwaas oo ay Hay’addu sheegtay in lagu rarayo Markab, halka deeqda daawada ahna lagu daabulayo diyaarado.

Deeq Suleebaan oo ah la taliye sare ee dhanka arrimaha binaadanimo iyo xuquuqda aadanaha ee Hay’ada Maareynta iyo Musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gargaar raashiin oo gaaraya 500 oo tan ay u daabulayaan dadka ku barakacay colaadaha ka jira Laascaanood.

”Maanta waxaan ugur maneynaa gobolka Sool, raashin baan halkan dabuleynaa, bakhaaradan oo ku yaalla kasoo horjeedka dekadda.
Hay’ada waxay daabuleysaa raashin gaaraya 500 oo tan oo ka kooban bariis, qamadi iyo bur waxaana gargaarkan horay Soomaaliya ugu deeqay dalalka Shiinaha iyo Turkiga” ayuu yiri La taliye sare Deeq Suleebaan

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay hay’adda Maareeynta iyo Musiibooyinka qaranka Soomaaliya ay shixnad gargaar ah u dirto dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaalada mudada dheer ka socda Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

SHARE

LEAVE A REPLY