Soomaaliya oo guuldaro kala kulantay dhigooda dalka Algeria

0

Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.

Xulka qaranka dalka Algeria ayaa 2-0 uga badiyay xulka qaranka Soomaaliya, waxaana ciyaarta oo aheyd mid adag u suurtagashay xulka Algeria iney helaan goolkooda koowaad oo ku yimid qalad ay galeen difaaca xulka qaranka Soomaaliya.

Ciyaaryahanada Soomaaliya ayaa Xalay soo bandhigay kubad aad u qurux badan, hayeeshee ugu dambeyntii guuldaro ayay kala baxeen garoonka kubadda cagta ee Nelson Mandela oo ku yaala magaalada Algeris.

Ciyaar yahanada Soomaaliyeed ee Xalay sida aadka ah uga dhex muqday garoonka Nelson Mandela waxaa ka mid ahaa Cabdi Asis Bahur, Abdulkadir Marshale iyo Juuma, waxaana xusid mudan in xulka qaranka Soomaaliya ay heleen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal guul u horseedi karay, hayeeshee nasiibka uu ka diiday.

Xulka qaranka Algeria taariikh ahaan waa xul haysta guulo badan, islamarkaana ay ka soo baxeen xiddigo caan ka ah Caalamka, waxaana ciyaartii Xalay ay muujisay in ciyaartoyda Soomaaliya oo mudo 30 sano ka badan aanan helin door la mid ah ciyaar yahanada Algeria iney muujiyeen dadaal weyn iyo xirfad wanaagsan oo lala dhacay.

Xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya waxaa u haray labo kulan oo hadii ay badiso rajadoodu tahay wanaagsan tahay, waxaana kulankooda labaad ay la ciyaari doonaan maalinta Talaadada ah xulka qaranka dalka Congo.

SHARE

LEAVE A REPLY