Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha fudud

0

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa bayaan ay soo saartay ku caddeysay in Nasro Abuukar Cali aysan aheyn ciyaaryahanad ka tirsan Orodada.

Sidoo kale waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Khadiija Aadan Daahir, kaddib fadeexadii ka dhalatay tartankii orodka 100m ee Jaamacadaha dalalka Adduunka ee ka dhacay dalka Shiinaha.

Waxay wasaaraddu shaacisay in hey’adaha garsoorka dalka la horgeyn doono Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud iyo xiriirki
i ka been abuuray jaamacadaha Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY