Halyeeyga Kubadda Cagta Aduunka Pele oo geeriyooday

0

Halyeygii kubadda cagta aduunka ee xulka qaranka dalka Brazil Pele ayaa u geeriyooday xanuunka Kanser-ka iyo xanuuno kale oo uu la ildarnaa mudooyinkii dambe isagoo ah 82 sano jir.

Halyeeygaan reer Brazil ayaa waayahiisii ciyaareed intuu ku gudajiray waxaa uu ka gaaray guulo waaweyn, waxaana guulahii uu gaaray ka mid ahaa inuu ku guuleystay Koobka Adduunka saddex jeer oo kala ah sanadihii 1958, 1962 iyo 1970.

Laacibkaan ayaa ayaa xirfadiisa Caalamiga ah kasoo muuqday 92 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Brazil, wuxuuna u dhaliyay 77 gool.

Pele waxaa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleystay tartanka Koobka kubadda cagta Aduunka, wuxuuna dalkiisa kula guuleystay koobka Aduunka isagoo 17 sano jir ah sanadkii 1958-dii.

Pele oo lagu naaneesay Boqorka kubadda cagta Aduunka ayaa dhaliyay 1279 gool 1363 kulan ciyaareed oo uu saftay ayna ku jiraan kulamo saaxiibtinimo, waxaana arintaasi ay noqotay tiro la aqoonsan yahay oo lagu daray buuga diiwaanka ee Guinness World Record.

SHARE

LEAVE A REPLY