Dalalka ka qeybgalay Koobka Aduunka iyo Lacagaha ay abqql marin ahaan u helayaan

0

Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xidhiidhkooda kubadda cagta.

Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaadhaya $440 milyan oo dollar.

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.

Xidhiidh kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay koobka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dollar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.

Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da.

Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaadhaysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Marooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar.

Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta.

SHARE

LEAVE A REPLY