Canada oo 36 sano kadib Maanta ciyaari doonta Koobka Kubadda Cagta Aduunka

0

Xulka qaranka Wadanka Canada oo ugu dambeysay in Koobka Adduunka Ciyaaraan 36 sano kahor ayaa maanta kulankooda ugu horreeya ee heerka Guruubyada la kulmaya dhiggooda Belgium oo ay isku beegmeen isku aadkii la sameeyay.

Canada ayaa heysata dhalinyaro qaarkood ka ciyaaraha Qaaradda Yurub iyaga oo kooxahooda kula guuleystay koobab muhiim ka ah Qaaraddaas, waxa ay door wanaagsan ka qaateen sidii Dalkooda uu ugu soo gudbi lahaa Koobka Adduunka 2022 oo u suuragashay.

Macalinka Xulka Qaranka Canada John Herdman ayaa sheegay in Dhalinyaro fiican oo wanaagsan isugu xira kubadda Cagta uu heysto, waxa uu ku dhiirrageliyay in ay guullo muuqda ka gaari karaan tartanka
Dambeedka Bidix ee Kooxda Bayern Munich, Alphonso Davies oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in niyad fiican ay leeyihiin ka xul ahaan isaga oo rejo ka muujiyay in ay kasoo gudbaan marxaladda koowaad ee heerka Qaanadaha.

Canada waxa ay kahortageysaa Belgium oo kamid ah waddamada la hadal hayo in sanadkaan ay heli karaan fursad ay ku qaadi karaan Koobka Adduunka 2022 ee lagu qabtay Qatar waa haddii uu gaaro diilinta loo saadaalinayo.

SHARE

LEAVE A REPLY