Maxaa Xalay Kala Qabsaday Achraf Hakimi Oo Qadiyada Falastiin U Dooda Iyo Jamaahiirta Yuhuuda?

0

Garabka daafac ee kooxda Paris Saint-Germain ee Achraf Hakimi ayay ku ooriyeen jamaahiirta kooxda Israel metelaysay ee Maccabi Haifa kulankii xalay labada dhinac dhex maray.

Hakimi oo ah xiddig muslim ah dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Morroco ayay jamaahiirta Maccabi Haifa ku oriyeen daqiiqadii 83-aad markii uu bedelka ku imanayay sababtoo ah inuu aad uga hadlo xuquuqda bulshada ree Falastiin ee dhulkooda lagu haysto.

23 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkii hore muujiyay sida uu u garab taagan yahay Falastiin kaddib markii dawlada Israel ay weerar ku qaaday agagaarka Sheikh Jarrah isaga oo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray #FreePalestine.

Maaha markii ugu horreysay ee uu Hakimi falcelinta noocaas ah kala kulmo dadka Yuhuuda ah balse sidoo kale waxa horeba loogu oriyay markii ay Paris koobka Trophee des Champions kula soo ciyaaraysay Nantes magaalada Tel Aviv.

Hakimi ayaa markii uu bedelka ku imanayay ee uu dareemay in taageerayaasha Maccabi Haifa ay ku orinayaan ugu jawaabay inuu gacantiisa dhegta saaray isaga oo u tilmaamaya inay xoog u qayliyaan.

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa kahor kulankaba ku dhaliilay Paris inay fadhiisinayso Hakim kulankaas sababtoo ah inay ka cabsi qabaan buuqa kaga iman doona garoonka.

SHARE

LEAVE A REPLY