Manchester United Oo £70 Milyan Gacanta Ka Saartay Erik Ten Hag & Xiddiga Uu Calaamadsaday Ee Bisha January Uu La Saxeexanayo

0

Erik ten Hag ayaa loo dhiibi doonaa ugu yaraan £70 milyan oo Gini oo uu bisha January kaga soo adeegto suuqa iibka ciyaartoyda, laakiin lacagtaasi way kasii badan kartaa haddii uu Cristiano Ronaldo ka  tago Old Trafford, waxaana looga dhigi doonaa illaa £100 milyan oo Gini.

Manchester United oo xagaagii tegay £215a milyan oo Gini ku kharash garaysay ciyaartooyo ay ka mid yihiin Antony oo ay £85 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Ajax, Casemiro oo ay £70 milyan kaga soo qaateen Real Madrid iyo Lisandro Martinez  oo £56 milyan oo Gini ku yimid Old Trafford, ayaa waxa u raacay Tyrel Malacia oo £15 milyan oo Gini ay kasoo bixiyeen iyo Christian Eriksen oo bilaash ku yimid Red Devils.

Tababare Erik ten Hag ayay maamulka kooxdu u sheegeen in ay siinayaan £70 milyan oo Gini, laakiin ay u kordhinayaan haddii uu Cristiano Ronaldo kooxda oo ay meesha ka saaraan £450,000 Gini oo mushahar ah oo uu ka qaato toddobaadkii.

Manchester United ayaa dalbanaysa ugu yaraan £20 milyan oo Gini oo ay doonayso iny ku iibiso Cristiano Ronaldo, iyadoo 37 jirkani uu doonayo inuu u ciyaaro koox ka qayb-gelaysa Champions League oo ay United ka maqan tahay.

Ten Hag oo xagaagii ku guul-drraystay in uu la saxeexdo Frenkie de Jong oo ahaa bartilmaameedkiisa koowaad  ayaa mar kale isku dayi doona inuu laacibkaas la saxeexdo bisha January, waxaanay lacagta loo ballan-qaaday in la siinayo ay gaadhaysaa intii ay Barcelona ku xidhay iibka De Jong.

SHARE

LEAVE A REPLY