Xukuumadda Soomaaliya oo qaaday talaabo farxad galisay Xujeyda Soomaalida

0

Guddigga Tartansiinta shirkadaha Adeega Xajka ee Sanadkaan ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen ku jaan gooyay qarashaadka sanadkaan lagu tagaya Xajka, iyada oo sheegay in ay dhimeen Qiimihii horay lagu xaajin jiray.

Warsaxaafadeed ka kooban Saddex Bogg ayaa Guddiga soo saaray kaas uu ku turxaan bixiyay heerarkii kala duwanaa uu soo maray tartanka loo qabtay shirkadaha iyo lacagta loo go’aamiyay in sanadkaan ay ku xajiyaan xujeyda Soomaaliyeed.

Guddigga Tartansiinta shirkada Adeeg Xajka ee Sanadka 1444/2023 ka ayaa qarashaadka laga qaadaya xujeyda Soomaaliyeed ka dhigay qiimo dhan $4,484.539  oo dollar, sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga.

Sidoo kale Guddiga ayaa faray shirkadaha ku guuleystay adeega xajka in ay fuliyaan qiimaha ka ay soo saareen Guddiga, “Waxaa la fayaa dhammaan shirkadaha adeega iyo diyaaradaha in ay sidaa ku fuliyaan qiimaha sare ku xusan, ciddii khilaaftana lala tiigsan doona sharciga,” sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi ayaa kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka 19 April, 2023-ka ayaa mar uu khudbad ka jeediyay sheegay in Sanadkaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta la hor dhigay laba imtaxaan oo mid ka mid ah yahay maareynta sara u kaca qiimaha xajeyda Soomaaliyeed ay ku soo xajiyaan.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa cabasho horay u gudbiyay Dowladda, iyaga oo sheegay in Shirkadaha bixiya adeega xajka aysan siin adeeg wanaagsan si lamid ah xujeyda kale ee Caalamka.

Lacagaha laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay gaareysay 5,000 oo doolarka Mareykanka.

SHARE

LEAVE A REPLY