Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo ay mar kale ka maqan tahay Puntland, ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Alshabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada u sheegay inay u diyaar garooban wajiga labaad ee dib u xoraynta dalka.

Shirkan ayaa yimid, iyadoo dowlad goboleedka Galmudug uu ku dhow yahay in guud ahaan laga xoreeyo Alshabaab, iyadoo ciidamada xooggu ay xoreeyeen magaaladii ugu weynayd ee Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Galgaduud, Ceelbuur.

Waa shirkii ugu horreeyay ee madaxweynuhu magaalada Dhuusomareeb kula yeesho madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Horey Baydhabo ayay ugusoo kulmeen.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa madaxweyne Xasan Sheikh ku ammaanay inuu dagaal dhab ah kula jiro Alshabaab. Waxayna sheeg inay ku garab istaagidoonaan dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY