Hoggaamiyaha SCC Khaatumo oo dignin culus u diray Muuse Biixi

0

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye) ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uga digay isku dayga inuu mar kale weerar kusoo qaado magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo oo jeediyay khudbad dheer, ayaa wuxuu sheegay in ay si adag uga jawaabi doonaan duullaan kaste oo kaga yimaada Somaliland, isagoo caddeeyay in aysan weerar ku ahayn dhul aysan lahayn.

“Muuse Biixi, wali waxaa muuqata in uu colaad u ooman yahay, laakiin waxaan leenahay Ciidankii iyo dadkii casharka kudhigay waa diyaar, laakiin marnaba anaga shacab duulaan kuma nihin” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.

Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye) wuxuu sheegay in ay hayaan 280 maxaabiis ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo ku eedeysan dambiyo dagaal, iyo 42 dhaawac ah. Wuxuu sheegay inay weli dhankooda is xakamaynayaan.

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali, ayaa ugu baaqay shacabka reer SSC in aysan kusoo laaban magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha SSC wuxuu sheegay in ciidanka Somaliland ay waxyaabaha qaraxa ku aaseen meelihii laga saaray. Wuxuu isagoo Dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay usoo diraan kooxo baaritaan ku sameeya goobihii farriisinka u ahaa ciidanka Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali wuxuu sheegay, Somaliland in ay magaalada Laascaanood ka geysatay dhibaayooyin ay adag tahay in muddo dhow looga soo kabsado

Wuxuu Dowladda federalka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska burburka soo gaaray goobihii adeegyada danta guud ee magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay Somaaliland 8 bilood ay duqaynaysay.

SHARE

LEAVE A REPLY