DEG DEG:- Dagaal culus oo qaraxyo ku bilaawday oo hada ka socda Coosweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Coosweyne oo qiyaas ahaan 20 KM u jirta degmada Ceel dheer ee gobolkaasi Galgaduud

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisin deegaankaas ay ku leeyihiin ciidamada dowladda oo maalmo kooban ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaanka Coosweyne.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu yahay mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana ay ka qeyb qaadan hayaan dagaalka diyaarado dhinaca cirka ah ka duqeynaya kooxda Al-shabaab, hayeeshe wali lama oga khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Dagaalka hada ka socda deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay galinkii dambe ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY