Xukun Maanta lagu riday askari dhawaan Muqdisho ku dilay nin Kenyaati ah

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka oo lagu helay inuu dilay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Kenya.

Askarigaan ayaa la sheegay inuu dhawaan ku dilay ninka Injineerka ahaa goob uu dhisme ka waday oo ku taala agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Askariga xukunka dilka ah Maxkamaddu ay ku riday ayaa lagu magacaabaa Xasan Cabdiraxmaan Indhayare, waxaana Maxkamadda horteeda la keenay cadeymo la xariira inuu ka dambeeyay dilka ninka Kenyaatiga ah oo lagu magacaabi jiray Fredrick Odhiambo Owino.

Dilka ninka Kenyaati ah ayaa dhacay 20-kii bishii lasoo dhaafay ee Julaay, islamarkaana baaritaan dheer kadib 14-kii bishaan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada ciidmada qalabka ay horkeentay maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay bishii lasoo dhaafay 20,keedii.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku xukumay ninka gacan ku dhiiglaha ah shan sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta lacag magdhaw ah oo la siiyo ehelka injineerka u dhashay dalka Kenya ee uu dilay.

SHARE

LEAVE A REPLY