Xujaay badan oo Soomaali ah oo gaartay dalka Sacuudiga

0

In ka badan 6,000 oo Xujey Soomaali ah ayaa maalmihii u dambeeyay gaartay Boqortooyada Sacuudiga si ay u gutaan Acmaasha Xajka sanadkaan 1444 Hijriya sida ay xaqiijiyeen Dowladaha Soomaaliya & Sacuudiga.

Tiraan waxa ay kamid tahay 11,000 oo Xaaji oo Sanadkaan Soomaaliya u suuragashay in ay helaan fursad ay ku tagaan Xajka, Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka ayaa dhowaan sagootisay xujeydii ugu horreysay oo dalka ka baxday.

Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay hubinta goobaha la dejinayo Xujeyda, Gaadiidka u adeegaya iyo helitaanka waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Diyaaradaha lagu daadgureynayo Xujeyda Soomaalida ayaa habeen iyo Maalin caga-dhiganaya Garoomada loogu talagalay in ay ka degaan diyaaradaha Xujeyda wada si looga sii qaado Basaska loo diyaariyay si loo geeyo Hoteellada ay sii degayaan.

Xujeyda ayaa qaatay Kaarar ay u diyaarisay Wasaaradda Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga si lamid ah Xujaajta kale ee waddamada Caalamka ka kala safraya sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadkii gaaray Dalkaas.

SHARE

LEAVE A REPLY