Xubno kasoo goostay Al-shabaab oo maanta lasoo bandhigay

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsooor ayaa soo bandhigay labo dagaalame oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab.

Xasan Macalin Aways oo magaciisa afgarashada aheyd (jJindullaah ) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna afgarashadiisu tahay ( Jabal ) ayaa kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo sannado ay katirsanaayeen.

Xubnahan kasoo goostay Al Shabaab ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in muddo saddex sanno katirsanaayeen Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ay kasoo dagaalameen qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxa ay sheegeen raggan in ay goƔansadeen in ay isaga soo tagaan kooxda Al Shabaab. iyagoona tilmaamay in ay ku qanci waayeen hab-dhaqanka kooxda Al Shabaab ay sheegeen in ay ka been sheegeen diinta Islaamka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa siyaabo kala duwan gobolada dalka qaarkood loogu soo bandhigay dagaalyahanno la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab, is dhiibitaankan ayaana imaanaya xilli la qorsheenayo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab .

SHARE

LEAVE A REPLY