Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay oo goordhaw Muqdisho gaaray

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gueters iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Antonio Gueters iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo uu ka ka mid yahay Wasiirka arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Jamac Huruuse iyo xubno kale.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterrs ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo wakiilada beesha caalamka.

Inta badan waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka aroornimadii la xiray iyadoo sababtana lagu sheegay booqashada wafdiga Antonio Guterrs.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Gueters oo bil walba oo Ramadaan ah booqda mid ka mid ah dalalka Islaamka ayaa sheegay dhowaan inuu booqanayo sanadkan Somalia.

Waa markii labaad ee Antonio Gueters uu booqasho ku yimaado Somalia, sanadkii 2017 ayeyna aheyd markii ugu horeysay ee uu dalka yimid, xiligaasoo ay dalka maamluysay dowladii Madaxweyne Farmaajo.

SHARE

LEAVE A REPLY