Xog ku saabsan kulan dhexmaray Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Xawaadle

0

Xildhibaanadda labada Gole ee kasoo jeeda Beelweynta Xawaadle ayaa kulan albaabada u xirnaa la qaatay Shalay galinkii dambe madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Beesha Xawaadle ayaa ahaa mid labada dhinac ay ku gorfeyeen xal u helista tabashooyinka ay beesha Xawaadle ay ka qabto siyaasad ahaan dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle iyo xaalada dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay shabakadda HOL ayaa inoo sheegay in kulanka uu ahaa mid kusoo idlaaday jawi is faham ah, islamarkaana Xildhibaanada Beesha Xawaadle guddiga ka kooban sadax xubnood ay u xilsaareen dhameystirka iyo xal u helista tabashooyinka Beesha oo ay hor dhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha sadaxda ah ee Xildhibaanada Beesha Xawaadle u xilsaarteen arrimahaas ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Sambaloolshe.

Waxaa sidoo waxyaabaha kulanka looga hadlay ka mid ahaa in dowladda Fedaraalka ay gobolka Hiiraan, gaar ahaan Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ee dagaalada kula jira Ururka Al-shabaab, kadib markii dhawaan ciidamo ka tirsana Macawiisleeyda Xawaadle oo dhaawacyo ahaa kooxda Al-shabaab ku weerareen guri ay ka daganayeen Muqdisho oo lagu daaweynayay.

Kulankaan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanadda Beesha Xawaadle ayaa imaanaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay Beesha Xawaadle shirweyne ay ku yeelatay Nairobi qodobadii kasoo baxay ay ugu waa weynaayeen tabashada Beesha ay qabto habka awood qeybsiga Hirshabeelle iyo in beesha matalada iyo xilalka ay ku leedahay dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka ay leedahay Beelweynta Xawaadle iyo in lasii dardar galiyo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY