Xildhibaanadda Xawaadle oo ku dhawaaqay dhismaha maamulka Hiiraan State

0

Xubno ka mid ah Xildhibaanadda Beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay kaga hor yimaadeen xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan, iyagoona taageero u muujiyay dhismaha maamul cusub oo magaciisa la yiraahdo Hiiraan State oo uu Baledweyne kaga dhawaaqay Cali Jeyte.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka qaadis ku sameeyay Cali Jeyte Cismaan oo ahaa guddoomihaha maamulka gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maalik Cabdala oo ka mid ahaa Xildhbaanada shirka jaraa’id sida wadajirka ah u qabtay ayaa sheegay in Hirshabeelle ay gacanteeda isku toogtay, islamarkaana dadka uu matalo sameysanayaan nidaam iyaga u gaar ah.

“Hirahabeelle maanta ayay dhimatay gacanteeda ayay isku toogatay awalba Hirshabeelle anaga ayaa camireynay ee maheyn maamul sax ah, hadana dadka aan matalo wax Hirshabeelle la yiraa kamid maaha, xil waa la iska qaada lakiin horay baan ugu sheegnay in xiligaan aysan aheyn waqti xil la iska qaado oo degmo la magacaabo, marka Hirshabeelle waa aasnay maanta” ayu yiri Xildhibaan Maalik Cabdala.

Xildhbaanada kale ee shirka jaraa’id ka hadalay ayaa dhankooda si la mid ah  taageeray dhismaha maamulka Hiiraan State oo ay si weyn u taageersan yhiin shacabka reer Hiiraan oo mudo badan diidana jiritaanka dhismaha Hirshabeelle. 

Cali Jeyte ayaa taageero baaxad leh ka haysta gudaha dalka iyo dibadda kadib hogaamintii ugu horaysay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya oo horseeday in guulo la taaban karo laga gaaro dagaaladaas oo Shabaab looga saaray inta badan gobolada dalka.

Lama oga talaabada xigta ee maamulka Hirshabeelle uu ka qaadayo diidmada qayaxan ee uu kala horyimid Cali Jeyte iyo taageerada ay la garab istaageen Xildhibaanada ugu badan ee Beesha ku matala Baarlamaanka Soomaaliya dhismaha iyo dhameystirka maamulka Hiiraan State.

SHARE

LEAVE A REPLY