Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

0

Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya waxaa ku geeriyooday AHUN Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar waxa uu ku fadhiyay #HOP269 waxaana uu kamid ahaa Liiska Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee doorashadoodu lagu qabtay Magaalada Muqdisho 2dii Febaraayo 2022.

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay waxaa sidaas oo kale tacsi diray mas’uuliyiin katirsan Dowladda & madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa tacsi loogu diray ehelka AHUN Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) isaga oo marxuumka alle ugu baryay in uu u naxariisto.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya” sidaaasi waxaa yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

SHARE

LEAVE A REPLY