Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla Shabaab Maanta kadib waxan kula dagalameyna halkay iska so abaabulaan

0

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda gobolka Hiiraan oo ay besshiisa Xawaadle kula jirto Al-shabaab, islamarkaana ay qeyb ka aheyn beelaha dariska la ah ee la dega gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xildhibaanka ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in shaqsiyaad siyaasiyiin ah ay haatan ku gorgortamayaan in lacag ama xilal lasiiyo si ay uga qeyb  galaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Waxa nasiib dara ah in shaqsiyaad siyaasiin ah ama sheeganaya masuuliyiin ay ku gor 

gortamaan in lacaga la siiyo ama xilal loo magacaabo si ay dagaalada Al-shabaab ugu biiraan” ayu yiri Xildhibaam Cabdimaalik Cabdalla.

Wuxu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in dagaalada ku furan beeshiisa kaliya ee ka socda Hiiraan in wixii hadda ka dambeeya ay Al-shabaab kula dagaalami doonaan meelaha ay iska soo abaabulaan.

“Laga bilaabo Maanta Walaah Bilaahi waxaa inaga go’an inaan shabaab meelaha ay iska soo abaabulaan aan kula dagaalano, mar hadii dagaalka inaga kaliya nagu furan yahay oo walaalaheena kale aysan diyaar  aheyn iney nagala qeyb galaan dagaalka, cid kale dhulkeeda duulaan kuma nihin ee cadawga ayaan uga hortageyna meelaha ay naga soo weerarayaan” ayuu yiri xildhbaan Cabdimaalik Cabdalla.

Hadalka Xildhibaankan ayaa imaanaya iyadoo dagaalada kasocoda Hiiraan ay u dhaxeeyaan ciidamada Macawiisleeyda Xawaadle oo garab ka helaya dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo jihooyin badan kaso weerara gobolka Hiiraan si ay db ugu qabsadaan deegaanadi dhawaan laga saaray, islamarkaana aysan jirin cid kale oo Shabaab kula dagaalameysa gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY