Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta iyo shacabka reer Galmudug kala hadlay xasilinta deeganada laga saaray shabaab

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si ku meel gaar ah ugu sii shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb ayaa siyaasiyiinta iyo bulshada reer Galmudug kala hadlay xasilinta deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladiisa ay ku gaar siineyso adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha dowladda fedaraalka ayaa sidoo kale xusay in deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay ugu talo galeen mashaariic horumarineed, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha oo si deg deg ah looga hirgelinaayo dhamaan deegaanada laga xureeyay Ururka Al-shabaab.

“Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar goynta kooxaha argagixisada ah, oo ay ciidamada Qaranku ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadda.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb u jooga dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee la doonayo in guud ahaan dalka looga sifeynaayo, xili Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur oo aheyd taliskii ugu weyna Al-shabaab ee gobolada dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY