Xamse oo Maanta kulan la qaatay Ergayga Cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, iyaga oo ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isaga oo muujiyey sida ay Xukuumaddiisa uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midbooy.

Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

July 5, 2023-ka Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay Catriona Laing oo maanta dalka soo gaartay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa May 4, 2023-ka Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska u magacaabay in ay noqoto Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

SHARE

LEAVE A REPLY