Xabad joojin lakala dhexdhigay beelo ku dagaalamay deegaano hoostaga Cadalle

0

Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo deegaano hoostaga maalmahii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa waxaa gaaray Odayaal dhaqameed, Saraakiil ciidan iyo qeybo ka mid bulshada kasoo jeeda deegaanadaasi, kuwaas oo bilaawday wadahadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad soo laab laabtay.

Odayaasha iyo waxgaradka gaaray degmada Cadalle waxaa hoggaaminayo Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo bilaabay kulamo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay, islamarkaana ku guuleystay in xabad joojin lakala dhexdhigo.

Dagaalada ka dhacay deegaanka Geelgub oo hoostaga degmada Cadalle ayaa sababay in dadkii ku noola deegaankaasi ay dhamaantood isaga barakaceen, iyadoo dhamaan guryahii ku yaalay deegaankaasi la gubay.

Dagaal Beeleedka ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan waxaana dhimashada inta la xaqiijiyay ay ka badan 30 ruux iyo dhaawax intaasi ka badan.

Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa horay baaqyo kala duwan u jeediaay labada Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY