Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo xukun lagu riday

0

Maxkamadda Ciidamada ayaa Maanta Xukun ku ridday hawenayd las heegay inay tahay Xaaska Horjoogaha Daacishta Soomaaliya, waxaana magaceeda lagu sheegay Fartuun Cabdirashiid Xuseen, taasi sida Maxkamaddu sheegtay isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa).

Haweenayda ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hay’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sheegtay in 2021 ay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

SHARE

LEAVE A REPLY