Wiil Soomaali ah oo toogtay gabar xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay kadibna isaga is-toogtay.

0

Magaalada Colombus ee gobola Ohio wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dirir ayaa xalay toogtay gabar xiriir jaceyl kala dhaxeeyay oo lagu magacaabo Aasiya Muuse, kadib markii la sheegay inuu khilaaf soo kala dhax galay.

Cali ayaa xabbad madaxa kaga dhuftay gabadha xiriirka kala dhaxeeyay, kadibna isaga ayaa dhoor daqiiqo kadib istoogtay.

Cali Dirir iyo Aasiya ayaa ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo sanado badan socday, waxayna ku ballansanaayeen in bilooyin kaddib is guursadaan, hasa ahaatee wiilka dilka geestay ayaa Aasiya uga shakiyay in ay balanta guurka uga baxday.

SHARE

LEAVE A REPLY