Wiil Arday ahaa oo isku daldalay Baledweyne

0

Maxamed Jeesoow Cabdi oo da’diisa lagu sheegay 19 sano jir ayaa Xalay isku daldalay gurigooda oo ku yaala xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ehalada wiilkaan dhalinyarada ah ee Xalay isku daldalay gurigooda ayaa warbaahinta u sheegay in Xalay xili la doonayay in loo kiciyo saxuurta la arkay isaga oo meyd ah oo xarig qoorta kaga xiran yahay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in wiilkaan yar uu is dilo, waxaana ehelka wiilkaan is dilay ay warbaahinta u sheegeen in aysan ku ogeyn xanuun dhinaca maskaxka ah, islamarkaana uu ahaa arday sanadkaan u gudbi lahaa dugsiga sare.

“Wiilka Adeerkiis ayaan ahay oo aniga gurigeyga ayuu ku noolaa walaalkey iga weyn ayaa dhalay, xanuun kuma ogeyn Xalay salaadii Taraawiixda markuu soo Tukaday wan isla casheynay, kadib qolkiisa ayuu galay markii saxuurta loo soo kicin laha waxa loo tagay isaga oo xariga qoorta ugu xiran yahay oo meyd ah” ayuu yiri Adeerka wiilka is daldalay.

Dhacdooyinka noocaan ah ee dadka is daldalaya ayaa muddooyinkii dambe kusoo kordheysay gudaha dalka Soomaaliya, hayeeshee dhaqankan is daldalaada ayaa ahaa mid aan looga baran dadka Islaamka ah.

SHARE

LEAVE A REPLY