Weerar lagu dilay 5 caruur ah oo ka dhacay dowlad deegaanka

0

Wararka naga soo gaaraya degaano katirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay dileen Shan Dhalinyaro ah oo ku sugnaa degaanka Hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Dhalinyarada la dilay uu ugu wyen yahay Wiil 13 sano jir ah, isla markaana xilliga la dilayay ay ka tageen Goob aroos ah, iyaga oo seexday Agagaarka Goob Dugsi Qur’aan oo ay Dhiganayeen.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, kuwaas o la sheegay in laamaha amniga dowlad degaanka Soomaalida ay ku raad joogaan si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo soo laab laabtay.
Qaar kamidah Ehellada Carruurta la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Carruurtooda, iyaga oo Maamulka dowlad degaanka ka dalbaday in deg deg usoo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dilkaas, hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa dilal la xiriiray aanooyin qabiil ay ka dhaceen dhulka degaanka dowlad degaanka, kuwaas oo hadda xiran.

Shacabka kunool dhulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa horay uga cabanayay Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka, kuwaas oo la kala diray, waxana goobihii ay ku sugnaayeen la wareegay Ciidamada Federaalka Itoobiya, kuwaas oo hadda amniga xaqiijinaya

SHARE

LEAVE A REPLY