Weerar Ismiidaamin ku bilawday oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi.
 
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday qarax, waxaana kadib xigay dagaal toos oo dhex-maray dagaalayahanadii weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid xoogan oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ku sugnaa xerada deegaanka Janaay Cabdalle oo u dhexeeyo Kismaayo iyo Afmadow.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay aad u kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla gobollada dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY