Wax ka baro sababta loo yiraahdo Waxbarashada Dumarka Jiko baa u dambeysa

0

Hooyo ayaa iyadoo Gabadheed ku waanineysa Waxbarashada, waxey ku tiri:-

Hooyo wey na yasaan, nagu dhega hadlaan, na xasdaan, na Ceebeeyaan, isha faraha naga geliyaan, nagu yiraahdaan Naayaa maxaad wax ka baranee Berrito Nin baad Addoon u noqonee oo lacag baa lagaala bixi.

Intaa oo idil iyo in ka foolxun waxeynu kala kulannaa Bulshada nagu xeeran markeynu Tacliinta raadineyno: Odoyaal, Habro iyo Dhallinyarta bar (Hablo iyo Wiilalba).

Bal aan su’aalee Hooyooyinkooda iyo Walaashood miyeysan Adoon aheyn oo lacag lagala bixin, mise waa Aniga oo keliya Inanta lacag lagala bixi doono.

Waxaan arkay Gabdho Tacliinta uga haray oraahyadaas iyo kuwa ka foolxunba dartood. Miyaad Doqomadaas Xun-xun dartood Wax u baraneysay ?, maxaa kaa galay ? Ha u dheg raaricin, Hana la saaxiibin, kana fogoow Goobahooda, haba la hadlin oo Shibta ugu dadaal.

Hadalkaaga Wacan iyo Aqoontaada Alle kugu deeqay waqti kula qaado dadka Alle Xaqa fahamsiiyay oo Waxgaradka ah.

Ogoow Gabar wax baratay waa Bulsho wax baratay, Hal Gabar oo fikirta waxey la mid tahay Toban Wiil oo fikiray.

Ha u joogsan Dad xun hadalkooda halyeeyad ayaa tahay, waad awooddaa, Dal dhan baad Hogaami kartaa, hore u soco haka quusan Raxmadda Alle, Dadaal waad gaareysaa Alle wuxuu kuu qoray wey kugu dhici, Cadowgaada maanta Berri buu kuu sacab tumi.

Waxaan kaa sugi waa mira dhal Gabadheydii Boqraneedey Guuleyso oo Qeyrkaa dhaaf.
Gabar Wax baratay waa bulsho wax baratay!

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

SHARE

LEAVE A REPLY