Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaramada Midoobay kala hadlay la dagaalanka Shabaab

0

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshey magaalada Muqdisho ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki.

Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga baahan tahay dhanka saadka ee ciidamada Soomaaliya iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in cunaqabateynta hubka laga qaado si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka wadahadleen sidii Loo xoojin lahaa taageerada howlgalada socda iyo kuwa la qorsheynaya ee Ka dhanka ah khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa gobolada dalka qaarkood haatan ka bilaawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhankq ah Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY