Wasiirka Cusub ee Maaliyadda oo Xilka la wareegay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cilmi Ibraahim, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo Igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda.

Wasiirrada cusub ee maanta xilalka loo kala wareejiyay ayaa maanta lagu dhaariyay fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyada oo xilalkaan loo magacaabay bolowga todobaadkaan, kaddib isku shaandheen lagu sameeyay golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa July 8, 2023-ka isku shaandheyn iyo Magacaabis ku sameeyay Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa, isaga oo u cuksaday isbadalka uu sameeyay in loo baahan yahay dardargelinta howlaha shaqo ee horyaalla.

Biixi Iimaan Cige oo ahaa Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana xilkaas laga qaaday Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa sidoo kale la magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka oo loo magacaabay Dr Maxamed Cilmi Ibraahim, halka Abuukar Jeylaani Sheekh loo dhiibay Wasiiru Dowladaha Awqaafta.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Saadaad Maxamed Nuur.

SHARE

LEAVE A REPLY