Wasiiradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Khawaarijta kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee CXDS ee howlgallada socda iyo in ay naga caawin doonaan tababaradda heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale dhiggiisa Kenya uga mahad-naqay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaallanka Argagixisada maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.

SHARE

LEAVE A REPLY