Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo jabuuti oo ka hadlay dagaalka dhanka ah Shabaab

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan doceed kula yeeshey magalada Muqdisho dhigiisa Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Kulanka ayaa inta uu socday labada dhinac waxay si weyn ugu gorfeeyeen dagaalka looga cirib-tirayo dalka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir ayaa marka hore dhigiisa Jabuuti Iyo waftiga la socda uga mahad-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalkeenna la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaalaha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga sifeeyo cadowga shacabka kusoo duulay ee Shabab iyo Daacish.

Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xoreyn lahaa kooxaha cadowga ah, isagoona hoos ka xariiqay Ciidanka Jabuuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigooda u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed cadowga Shabab iyo Daacish looga kor qaadi lahaa.

Wasiir Xasan Cumar Maxamed ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay deegaano badan oo dalkeenna Soomaaliya ah looga saaray kooxda Al-Shabab, haddana ciidanka Qaranka ku howlan yihiin inte dhiman iney ka xoreeyaan Shabab iyo Daacish.

Kulanka Labada Wasiir waxaa ku weheliyay Taliyaasha CIidamada Xoogga Soomaaliya iyi Jabuuti, Gen.Odawaa Yuusuf Raage, Gen. Sakariye Ibrahim Sheikh iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaraddaha difaaca.

DHAMMAAD

SHARE

LEAVE A REPLY