Wasiir Rooboow oo beeniyay in akoonkiisa uu ku shubtay 5 Milyan oo doolar

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Mukhtaar Rooboow ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegay ‘in la musuq-maasuqay’ howlihii Xajka ee sannadkan.

Waxa uu sidoo kale beeniyay in lacag gaareysa $5 milyan ay ku jirto akoonk banki oo uu leeyahay.

“Waxaad maqasheen wax badan wasiirkii akoonkiisa shan milyan oo dollar ayaa (ku jirta), horta wasiirku akoon ma leeyahay.. marka hore? mise ku jirta intaas? ayuu is weydiiyay Rooboow oo ka hadlay munaasabad xalay lagu soo bandhigayay gunaanadka howlihii Xajkii sannadkan, taas oo uu kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Haddii ay jirto lacag qalloocan, ama wasaaraddu ay qabto ama wasiirku uu qabo, waxaan codsanayaa in ha’adaha ay khuseyso inaysan berri subixii la dhaafin inay soo afmeeraan oo ogaadan wax ka jira meeshan. Soo dhawaada.” ayuu Wasiir Rooboow u sheegay dadkii kasoo qeybgalay munaasabaddaas.

“Lacagta intaas la eg.. Dowladdu soo Xisaabiye maleh? Soo Hantidhowre maleh? Soo wasiiir maaliyadeed maleh? Haddii nin kasta oo wasiir noqda uu shan milyan bankiga gashan karo muxuu Ra’isul Wasaaruhu qabanaya?” ayuu raaciyay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Mukhtaar Rooboow.

SHARE

LEAVE A REPLY