Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta oo ka horyimid magacaabis uu sameeyay Wasiir Rooboow

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka horyimid guddiga adeega Xajka sanadka 1444/2023 oo uu Shalay magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali.

Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Saalax Shariif Sayid ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay Wasiir Rooboow ay yihiin kuwa lagu soo xulay hanaan aanan sharci aheyn, islamarkaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan magacaabistooda.

Guddigaan Xajka sanadka 1444/2023 ee uu magacaabay Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa ka kooban 9 xubnood, waxaana xubnaha guddiga xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali.

Talaabadaan ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan sanad walba marka uu soo dhawaado xiliga Xajka ay sidaan oo kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru dowlayaasha wasaaradaan ay soo saaran amaro is diidan oo la xiriira shaqada wasaaradda.

SHARE

LEAVE A REPLY