Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo Muqdisho lagu dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug Farxiya Cabdi Maxamed.

Haweeneydan ayay kooxda hubeysan ku dileen Degmada Warta Nabadda iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa ee ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degma xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo mudo dheer ay maamulayeen kooxda Al shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxda Alshabaab.

ilaa iyo hada Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada maamulka Galmudug Farxiya Cabdi Maxamed..

SHARE

LEAVE A REPLY