Wasiir amar ku bixiyay in Xaasaska iyo Caruurta Shabaab laga saaro magaalada….

0

Wasiirka Amniga  Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Abdulkadir Maxamed ayaa sheegay in xaasaska iyo caruurta ay dhaleen xubnaha ka tirsan Al-shabaab laga saarayo degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.
Xasan Abdulkadir Maxamed oo booqanaya degmada Baraawe ayaa xaasaska iyo caruurta ay dhaleen xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay isaga guuraan Baraawe, haddii kale qasab looga saarayo.
“Lama aqbali karo in Shabaab ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada” ayuu yiri Xasan Abdulkadir Maxamed
Wasiirka ayaa sheegay inuu caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe u joogo diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya gobolka Sh/hoose.

Kulamo ayuu sheegay inuu la qaadan doono mudada uu joogo Baraawe saraakiisha laamaha amaanka iyo kuwa ciidanka xoogga dalka iyo taliska ciidanka ATMIS.

SHARE

LEAVE A REPLY