Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo digniin kama dambeys ah u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

0

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay inay wax macaamil ah la sameeyaan kooxda Alshabaab, ciddii lagu helana waxay sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono.

Wasaaradda ganacsiga waxay sheegtay ganacsadihii ama shirkaddii lagu helo xiriirka Alshabab in lagala laabandoono shatiga.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dowladdu ku cuuryaaminayso dhaqaalaha Alshabaab kasoo gala bulshada, si meesha looga saaro maalgalinta ay u adeegsadaan qaraxyada iyo weerarrada ay qaadaan.

Dhawaan, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed oo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Xafiiska xeer ilaalintu wuxuu sheegay inuu baaris ku wado shirkaddo ganacsi oo loo haysto inay xogta macaamiishooda u gudbin jireen kooxda Alshabab.

Xafiisku wuxuu sheegay marka uu baaritaanka dhaamado in sharciga la horkeenidoono cid kasta oo lagu helo dambi.

SHARE

LEAVE A REPLY