Wariye Coldoon oo Maanta laga sii daayay xabsiga

0

Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga siidaayay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ahaa wariye iyo Samafale kadib markii uu dhammaystay muddadii laba sannadood ee maxkamadda Rafcaanka ku xukuntay.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa 3 February 2022-ka ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo ciidanka Booliska Soomaaliland ka soo qabteen Magaalada Burco 16 Agoosto 2021.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo warbaahinta kula hadlay afafka hore ee Xabsiga ayaa si qote dheer uga sheekeeyay xabsigiisa, isaga oo carabka ku dhuftay in lagu sameeyay Cadaalad darro.

Coldoon ayaa tilmaamay in Maxkamadda uu geeyay caddeymo ku saabsan kiiska lagu soo oogay, isaga oo sheegay in Maxkamadda ay dhageesan waysay caddeemihii uu horgeeyay, taasna ay sababtay in ay soo saarto xukun laba sano iyo lacag saddex Milyan oo shilinka Soomaaliland.

Xiritaanka Coldon ayaa dad badan ka hadleyn balse lama garaneen waxa lagu xiray, Inta aan la xirin 16 Agoosto 2021 waxa uu waday olole ka dhanka ah Xarunta dhaqanka magaalada Hargeysa, Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo kuwaas oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale loogu xiray Soomaaliland Coldoon, markii ugu dambeesay ee la xiro waxa ay aheed 19-kii Bishii April 2019-kii, kadib markii eedeymo loo jeediyay balse 6 Juun 2020 ayaa lagu sii daayay Cafis Madaxweyne

SHARE

LEAVE A REPLY