Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baledweyne iyo Bandow lagu soo rogay Caawa

0

Taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan labo Xidigle Bashiir Xuseen Jimcaalle ayaa kusoo rogay Magaalada Baladweyne Bandow soconaya mudo 24 saacadood ah.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay goordhaw gudaha magaalada Baledweyne ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah iney guryahooda joogan, maadama laga cabsi qabo weeraro kale oo qaraxyo ah oo ku jira gudaha magaalada Baledweyne, islamarkaana ciidanka sameynayaan howlgalo ku aadan arimahaasi.

Ciidamo aad u farabadan ayaa galinkii dambe ee Maanta lasoo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magalaada Baledweyne, waxaana wadooyinka qaar ay yihiin kuwa aanan loo ogoleen isticmaalka dadka iyo gaadiidkaba.

Bandowgaan Caawa lagu soo rogay Baledweyne ayaa kusoo beegmaya xili Maanta gudaha magaalada Baledweyne ay ka dhaceen ilaa sadax qarax oo Ismiidaamin ahaa oo geystay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed, inkastoo aanan wali si rasmi ah loo xaqiijin tirada dadka ku geeriyooday weerarada Maanta dhacay.

Xaalada guud ee magaalada Baledweyne Caawa waa mid degan waxaana xusid mudan in magaalada gudaheeda inta badan ay ka jirto xaalad Koronto la’aan ah maadama qaraxyadii Maanta ay waxyeeleyeen baalayaashi korontada ee dhexmarayay gudaha Baledweyne.

SHARE

LEAVE A REPLY