Wararkii ugu dambeeyay qarax Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu laha qof muwaadin ah oo ku baakina agagaarka Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne.

Lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxan oo ahaa mid lagu xiray gaari noociisu ahaa Surf oo uu watay muwaadin Soomaaliyeed, hayeeshee khasaaraha uu yahay mid ku kooban gaariga oo gubtay, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Xafiska Taliska Booliiska Soomaaliya.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall. Muwaadinkii wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qaraxaan Maanta dhacay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya bilahi lasoo dhaafay ka nasatay iney ka dhacaan qaraxyada noocaan oo kale.

SHARE

LEAVE A REPLY