Wararkii ugu dambeeyay gulufka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay u ruqaan sadeen dhanka degmooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa lasoo warinaya iney ku baxeen dhowr jiho oo gala magaalooyinkaas, waxaana la tilmaamay in ciidamada ugi badan ay ka baxeen deegaanka Galcad, kuwaas oo u jiheystay dhanka degmada Galhareeri.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Galhareeri. Cowsweyne ayaa ka mid ah goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab isku dayayaan in ay ka difaacaan Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale isku fidinaya deegaanada darafyada kaga yaala Galcad, sida Burtuble, Waniinle, Gal-libaax iyo Tawakal, si mintidiinta Al Shabaab lagaga sifeeyo dhulka ku dhow dhow Cowsweyne iyo Galhareeri.

Sidoo kale ciidan kale oo ka soo ruqaansaday deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la soo sheegaya inay la wareegeen deegaanka Cali Heele oo hoostagga Galcad.

Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa lagu wadaa in ay si buuxdo isugu furaan waddada Galcad iyo Masagawaa. Guutada Gumac oo loo waday Gobolka Hiiraan ayaa wax laga bedelay qorshahoodii gobolkaasi, iyagoona loo soo weeciyay dhanka Galgaduud, balse ay dib u raaci doonaan qorshahoodaasi ay kaga hawlgeli doonaan galbeedka gobolka.

Sidoo kale Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka ayaa duhurnimadii maanta ka dhaqaaqay barrihii ay kaga sugnaayeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyagoona u qalab qaatay, sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanka Wabxo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay galabta la wareegeen deegaanka Ceelgorof, oo ah jidka jaantii ay ku gaari lahaayeen Wabxo. Wabxo waa bar kale oo Shabaabku ka difaacayaan Ceelbuur.

SHARE

LEAVE A REPLY