Wararkii ugu dambeeyay doorashada dalka Turkiga iyo Rajada Erdogan oo…

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay Doorashada dib loogu laabanayo wareegga kale maadaama codadka ugu badan aanay gaarin halkii loogu talagalay ee ah in ka badan 50% waxa uu rejo ka muujiyay in uu guul taariikhi ah ka gaari doonno.

Erdogan ayaa sheegay in Doorashada loo ballansan yahay 28ka May 2023 ay noqon doonto mid guusha dhankiisa ay soo mari doonto, codad ka badan kuwa uu helay ayuu tilmaamay in uu heli doonno doorashadaas.

“Waxa aan rajeynaynaa in aan gaarno guul taariikhi ah, waxa aan kusoo bixi doonnaa doorasahda 28ka May innaga heli doonna codad ka badan kuwa aan helnay” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu isku sifeeyay in uu yahay hoggaamiye rabitaanka Dadkiisa ku shaqeeya kana go’an tahay aanay ka leexan dariiqii ummaddu ay dejisay isla markaana uu ixtiraam uu u hayo natiijada uu ku dhawaaqay Guddiga maamulaya Doorashada Turkiga.

Waxa uu Dadka codeynaya ka dalbaday in ay ku garab istaagaan hoggaamintiisa ku dhisan siyaasad ka dhalatay rabitaanka Ummadda waa sida uu yiri Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Natiijada kasoo baxday codadkii la tiriyay ee Doorashadii ka dhacday Turkiga waxaa codadka ugu badan helay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan balse ma gaarin tirada u suuragelin lahayd in aanay loo baahan wareeg kale oo ah in ka badan 50%.

SHARE

LEAVE A REPLY