Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq xoogan oo ka socda Galgaduud

0

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB, GORGOR & Guutooyinka cusub ee dhowaan la geeyay Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ayaa billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku wajahayaan deegaannada ay ku sugan yihiin ‘AS’.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay kusii siqayaan deegaannada bartilmaameedka u ah ciidamadaan iskaashanaya waa sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud waxaa barbar socda howlgallo kale oo ka billowday Deegaannada dhaca xadka uu gobolkaas la wadaago Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ujeedka howlgallada is barbar socda ayay Saraakiisha ku tilmaameen mid looga hortagayo in dagaalamayaasha ‘AS’ iyo madaxdooda ay isaga kala gudbaan deegaannadaan dhaca Soohdinta Gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY