Wararkii ugu dambeeyay dagaal lagu hoobtay oo Maanta ka dhacay Baledweyne

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo qaatay ku dhawaad sadax saacadood oo xiriir ah oo saakay ka dhacay deegaanka Maxamed Xasan oo ku yaala Koonfurta magaalada Baledweyne.

Dagaalka oo ahaa mid leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda oo weerar ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab oo xalay si dhuumaaleysi ah ku galay deegaanka Maxamed Xasan.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa sheegaya in lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Gaadiidka maamulka Hirshabeelle Faarax Maxamed Xasan oo ka mid masuuliyiinta ka qeyb qaadaneysa howlgalada ka socda Koonfurta Baledweyne.

“Waxaan ku burburinay saldhigyadoodii ay sida dhuumaaleysiga ka sameysteen, welina waxaan ku jirnaa dagaal lagu xoraynayo oo aan baacsanayno kooxda. Hawlgalku wuxuu ku socdaa si guul leh, dhankeena wax khasaare ah ma jiro, dhankooda waxaan dilnay ku dhawaad 20 ruux” ayuu yiri Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Gaadiidka Hirshabeelle Faarax Maxamed Xasan.

Dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Maxamed Xasan ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu cuslaa oo waayahaan dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab, tan iyo markuu dib u bilaawday wajiga labaad ee howlgalada dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY