Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex socda gudaha xarunta Gobolka Banaadir

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qarax ku billawday oo goordhaweyd ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan weerarkaasi lagu qaaday Xurunta Gobolka.

Weerarka ayaa ku billawaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa kaasi oo lagu dhuftay Al-Baaabka dambe ee xarunta, waxaana xigay weerar toos ah oo gudaha ay ku galeen xubno ka tirsan AL-Shabaab oo ilaa iyo hatan aan la ogayn tiradooda.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Degmooyin  iyo xaafado ka tirsan Caasimadda dalka, waxaana xigtay rasaas toos ah oo la isku adeegsaday kadib weerarka ay gudaha ku galeen dableyda hubaysan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaaamaya in xarunta ay haatan ka dhex-dagaalamayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta ka socota Gudaha Xarunta.

Xarunta ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga soo saaray dad aad u badan, kuwaasi oo ku sugnaa markii werarku dhacayay, waxaana ka mid ah shaqaalaha xarunta Gobolka oo sida la sheegay ay ku jiraan Masuuliyiin.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa la aaminsan yahay inuu  jiro dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay qaraxu, maaddaama uu ahaa qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan.

Ciidanka ammaanka wali la dagaalamaya xubnaha ugu galay xarunta, sidoo kale sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u badan shaqaalaha Gobolka oo kasoo boodaya daaqadaha dhismayaasha Xarunta.

Wali laamaaha aammaanka iyo maamulka Gobolka wax war ah kama soo saarin weerarka maanta lagu qaaaday Xarunta Gobolka Banaadir, sidoo kale ma cadd khasaaraha Rasmiga ah.

SHARE

LEAVE A REPLY