Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo Maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Xalfooleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Macawiisleeyda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar jidgal ah ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Shabaab oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Xalfooleey, waxaana la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney dagaalka Maanta ay Shabaab kaga gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Cabdibilaha, islamarkaana ay ka dileen askar farabadan oo uu uusan sheegin tiradooda.

Weerarkan Maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Xalfooleey ee gobolka Hiiraan ayaa noociisa waxaa horay u geysan jiray dagaalamayaasha Al-shabaab oo caan ku ahaa in weeraro jidgal ah ay kala hortagaan ciidanada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS xiliyada ay ku guda jiraan socdaalka.

SHARE

LEAVE A REPLY