Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Laascaanood

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay duleedka Magaalada Laas-Caanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad degaanka ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka degaanka ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Somaliland kuleeyihiin Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laas-Caanood.

Goobjoogayaala ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in mid kamid ah Saldhigyada la weeraray meel u dhow in uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool.

SHARE

LEAVE A REPLY