Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay galbeedka deegaanka Booco

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Samataro oo dhinaca galbeed kaga beegan deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray Maanta dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka oo shalay la wareegay Booco.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab tiro madaafiic ah ay ku garaceen deegaanka Booco, waxaana madaafiicda kadib la sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka inay ka gudbeen wabiga Shabelle oo kala bara deegaanada Booco iyo Samataro, iyagoo ka jawaab celinaya madaafiicda Al-shabaab kuso garaceen deegaanka Booco.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab uu dagaal culus ku dhexmaray gudaha deegaanka Samataro, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Gobolka Hiiraan waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada la baxay dib u xoreynta deegaanka oo loo yaqaano Macawiisleey oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ay sababeen in Al-shabaab laga saaro deegaanadii ugu badnaa oo ay gacanta ku hayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

SHARE

LEAVE A REPLY